Fanaanka caanka ah David Bowie oo geeriyooday

Bulsha:-Dhimashada fanaanka caanka ah ee Britishka ayaa la sheegay. David Bowie ayaa ka mid ahaa fanaaniinta ugu waawayn waqtigiisii.

Wuxuu u dhintay cudurka Kanserka wuxuuna ahaa 69 jir.

Wakiilkiisa ayaa sheegayin Bowie uu u dhintay si sahlan iyadoo ay la joogaan reerkiisa.

Heesihiisa sida Space Oddity iyo Starman oo soo baxay dhamaadkii lixdameeyadii iyo bilowgii toddobaatameedyadii ayaa ka dhigay inuu caan ka noqdo caalamka, kaasoo uu ahaa noloshiisa oo dhan.

Intuu fanka ku jiray wuxuumar walba soo alifayay music cusub.

David ayaa sidoo kale ahaa Jilaa. Sanado badan ayuu caan ka ahaa bulshooyinka.

David Bowie wuxuu qabay gabadha Soomaalida ah ee Iman.








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment