Bulsha:- Ciidamada Dowlada Soomaaliya gaar ahaan kuwa sida gaarka ah u tababarn ee Gaashaan ayaa xalay xili dambe soo afjaray Weerarkii dagaalyahano hubeesan oo katirsan Al-Shabaab ku qaadeen Baar kuyaala xeebta Liido ee Magaalada Muqdisho.
Dagaal ka socday Dhismaha Baar kuyaala xeebta Liido in ka badan 10-saacadood ayey uu ugu dambeyn Ciidanka Nabad Sugida ku guuleesteen in ay soo afjaraan Weerarka, waxa ayna ciidanka dileen inta badan ragii weerarka ku qaaday Baarka la weeraray.
Wasiirka Amniga gudaha C/Risaaq Cumar Maxamed ayaa xaqiijiyay in Ciidamada amaanka ay soo afjareen weerarkii Al-Sabaab ku qaadeen Baarka Liido Sea Food ee kuyaala xeebta Liido ee Magaalada Muqdisho.
In ka badan 20-qof ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen weerarka lagu qaaday Xeebta Liido, waxaa sidoo kale weerarkaasi ku dhaawacmay dad aad u badan, waxaana laga cabsi qabaa in qasaaraha inta la ogyahay uu kasii bato.
Dadka ku dhintay weerarka xeebta ayaa waxaa ku jira caruur yar yar oiyo waalidiintooda oo ku sugnaa Baarka weerarka lagu qaaday, waxaa sidoo kale weerarka ku dhintay dad badan oo damaashaad u tagay baarka la weeraray.
Ciidamada amaanka ayaa dhismaha Baarka Liido Sea Food waxa ay kasoo saarayaan Meydadka dad badan oo halkaasi lagu dilay iyo meydadka qaar kamid ah ragii weerarka geestay oo iyagana goobta ku dhintay.
Xaalada Xeebta Liido ayaa hada ah mid dagan, waxanaa halkaasi ku sugan ciidanka Nabad Sugida Qaranka oo baaritaabno ka wada goobtaasi, waxaana wali la baadi goobayaa dad ku maqan qeybo kamid ah baarka la weeraray.





_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment