Daawo: Laga roonayaasha Ciraaq & Siiriya oo u gacan galay ISIS oo si xun loo dilo

Bulsha:- Dowladda isku magacowday khilaafada Islaamiga ee Daacish ayaa barnaamijkeeda qeyb ka ah ciribtirka iyo ugaarsiga ay ku hayso laga roonayaasha, kuwaasoo la kulma xukun naxariis daran oo ah in dabaqyo dhaadheer laga soo tuuro si xuna u dhinta.

Dhacdadii ugu danbeysay ayaa waxay ka dhacday magaalo ku taal gobolka al-Furat, halkaasoo fooqa sare dabaq aad u dheer laga soo tuuray nin lagu eedeeyay laga roonenimo.

Indha iyo gacmaha ayaa laga xeray, kadibna waxaa laga soo tuuray saqafka kore dabaq aad u dheer, waxaana garbaha ka haayay manaxayaal wajiyada soo qarsaday oo si naxariis daran ugu soo tuuray dabaqa, kadibna si dhib yar leh ayey nafta ugu baxday, halka dadka qaar si fudud nafta ugu bixin, waxayse kusii dilaan dhagxaan qofkii dhaqso nafta ugu bixi weydo.

Ma ahan markii ugu horeysay ee xukun noocaan ah fuliyaan mindidiinta Daacish ee Ciraaq iyo Siiriya, waxaana horay loo fuliyay xukuno noocaan oo kale ah.





_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment