XOG MUHIIM AH:- General Morgan Oo Muqdisho Looga Yeeray & Dowlada oo Xil Deg Deg ah u Magacowday

Bulsha:- Warar hoose oo aan helnay ayaa sheegaya in Generaal Maxamed Saciid Moorgan loo magacaabay Lataliyaha dhanka Militariga ee Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay oo ku suggan xafiiska Ra’iisal Wasaare Sharmaake ayaa xaqiijiyay in General Moorgan dhowaan loo magacaabay xilkaan, ayadoo uu kaalin ka qaadan doono doorkiisa iyo khibradiisa ku aadan dagaallada ay Xukuumada RW Sharmaake ay kula jirto kooxda Al shabaab.

Magacaabista Gen. Moorgan ayaa imaaneysa xili uu socdo dadaal xoogan oo loogu jiro sidii loo dhisi lahaa Ciidan Qaran oo taya leh oo ay yeelato Soomaaliya.

Generaal Maxamed Saciid Moorgan ayaa gaaray magaalada Muqdisho si uu u bilaabo shaqada xilka loo magacaabay.

Moorgan waxaa hadda kahor uu noqday Wasiirkii Gaashaandhiga Dowladdii hore ee Maxamed Siyaad Barre, waxaana xiligaasii hoostagi jiray ciidan qaran oo lagu qiyaasay 55,00 oo askari.







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment