Wax ka baro Dagaalka Qaboow Ee Sariirta Adiga iyo Lamaanahaaga

Bulsha:- Waa inaanay marnaba illaawin indhaha kuulan, bushimaha iyo wejiga cusburaysan, lugaha iyo gacmaha cillaaman iyo dharka khafiifka ah ee jirkeeda laga dhex arkayo midabka indhuhu ku nuursadaanna leh. Intuu odaygeedu casheynayo, waa inay soo agfariisataa.

Dhaqaaq kasta, dhugasho kasta iyo erey kasta oo afkeeda kasoo yeeraa waa inuu batrool kusii daraa dabka qalbigiisa ka aloosan. Waa inuu ku labalabeeyaa ma raashinkaad horta cuntaa mise iyada. Waxa uu markaa ninku billaabaa inuu afka, caloosha, indhaha, dhegaha, sanka iyo dalool kasta oo jirkiisa kamid ah ka shidaal qaato.

Ragga qaar baa jira aan ogayn inay dumarku sidooda oo kale dookh iyo dareen leeyihiin, iyaga oo doonaya naag qurux badan oo carfaysa, ha yeeshee aan iyagu waxba isku falin oo siday shaqada uga yimaadaan dhidid, shiir iyo af-ur kula duldhaca, sidaana galmo iyo raaxo uga doona. Ragga caynkaas ah
Haddaba ninku waa inu qubaystaa, cadaysadaa, iscarfiyaa, timaha jartaa oo shanlaystaa (feedhaa), ciddiyaha iska jaraa, shaarubka gaabiyaa, galmadana isugu diyaariyaa sida uu ka doonayo xaaskiisu inay isugu diyaariso








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment