Bulsha:- Wakaalada Wararka Reuters, ayaa baahisay in ciidamada amaanka ee gobolka South Carolina ee dalka Maraykanka ay gacanta ku dhigeen shan kun oo qoray nuucyo kala duwan ah iyo rasaas badan oo hubkaasi loo adeegsan lahaa.
Hubkan la qabtay waxaa iska lahaa nin lagu magacaabo Brent Nicholson oo 60-sano jir ah, waxaana ninkan ay qabteen ciidamada amaanka kadib markii uu laamiga si qalan u maray, waxaana baaritaan gaarigiisa lagu sameeyay laga helay 29-qoray iyo labo xirmo oo daroogo ah.
Ciidamada amaanka ayaa bilaabay in ay baaritaan ku sameeyaan guriga ninkan ay qabteen, waxa ayna halkaasi ugu tageen arin ay la yabaeen kadib markii guriga Odaygaasi laga helay 5-kun oo qoryo nuucyda daran dooriga u dhaca ah oo wada shaqeenaya iyo rasaas badan.
Waxaa hada socda baaritaano dheeraad ah oo lagu sameenayo ninkaasi odayga ah iyo waxa uu u adeegsan lahaa hubkaasi tirada badan uu ku xareestay gurigiisa.


_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment