Cudur ayaa ka dhalan kara galmada afka ama dabada

Bulsha:- Shacabka soomaaliyeed waxaa ay leeyihiin dhaqamo badan oo qaarkood ay diinta ka horimaanayaan qaarkalana ay diinta waafaqsanyihiin. Dhamadasi waa badan yihiin balse waxaynu soo qaadaneynaa qaarkooda la xiriira galmada labada qof ee isqaba.

Waxaa jira qaabab guud oo dadka isku dhaxaa ay gogosha isugu qanciyaan iyadoo qofba kan kale ka raali yahay.qaababkaasi waxaa ay waafaqsanyihiin diinteena islaamka.

Ninka iyo xaaskiisa ayaa siyaabo badan isugu tagi kara xiliga galmada balse waa in ay waafaqsanadaan shareecada hadii kale waxaa ay noqonayaan danbi laga galo xaga Alle.

Halkaan waxaan marka hore ku soo gudbineynaa mid kamid ah noocyada naga soo galay dhinaca reer galbeedka ee soomalida qaarkoodna ay ku dhaqmaan xiliga galmada.

• Qaabka looyaqaano isugu taga afka ama afka oo laga istcmaalo dumarka taasi oo ah mid aan xitaa caafimaad ahaan u rooneyn labada qofood xaga diintana aan ku fiicneyn waayo waxaad sameyneysaa wax aan looguba talagalin. Taas badalkeeda in ninku afkiisa la aado farjiga xaaskiisa ayaa iyana kasii daran oo waxaa ka dhasha caabuq ku yimaada afka ninka.

Soomaalida qaar badan oo kamid ah ayaa qaabkaan isticmaala waxaana laga yaabaa in aysan aqoon u lahayn waxa diintu kaqabto iyo meesha dhaqankaani naga soo gaaray.?

Caafimaad ahaan waxaa la iskuwada waa faqsan yahay in meel kasta meeshii loogu talagalay ay kuwanaagsan tahay hadii kale waxaa ka dhalanaya cuduro aan horay loogu aqoonin mujtamaca.

Tasaale ahaan. Xubinta taranka raga waxaa ku dahaaran xidido yar yar oo aan u dul qaadan Karin cadaadis kabadan midka xubinta taranka dumarku sameyo, waxaana macquul ah in ilkuhu dhaawac u geystaan maadaama labada qofba aysan dareenkooda xakamayn Karin xiligaasi.

Dhinaca dumarka. Waa wax ka baxsan xalada ah in ninku carabkiisa la aado meel wixii loogu talagalay lawada ogyahay. Waxaa ku dhex nool xubinta taranka dumarka in kabadan 150 jeermis kaasi oo xiliga dumarku dareenkoodu kaco sii laba jibaarma. Waxaa raga sidaa sameeyaa ka xanuunsadaan dhinaca dhuunta ama qumanka taasoo ay ugu wacantahay jeermiskii ka dhashay halkaasi.

Ilaahey ayaa wax kasta naga og waxaana meel kasta uu ugu talagalay meel waxaa haboon in sidaasi anan ka badlin.

Marka laga reebo in dumarka looga tago dabada oo ah mid xaaram ah waxaa labada ruux ee is qabaa ay isku isticmaali karaan noocyo badan marka laga hadlaayo dhinaca farsamada.








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment