Bulsha:- Iyadoo maalinimaddii daraad qarax culus ka dhacay Hotelka Saxafi kaasoo ay umad badani ku hallaaksameen, ayaa waxaa dhacday oday da’diisu la iigu sheegay 85 sideetan & shan jir uu ka mid noqday dadkii wax yeellada kasoo gaaray qaraxa.
Ninkan Oddaygan da’da ah ayaa kasoo baxay masaajid ku yaalay isgoyska No4 isagoo jidka socda uu la kulmay qaraxa, ka dibna gacanta bidixda ay ka buburtay calooshana firir yar ka gallay.
Odaygan oo aan ku booqday isbitaalka ayaa ka muuqatay dan daro aad u daran, ma haysto xanaano gaar ah, ma jiro cuno wax u keena, odaygan oo da’ ah dhaawaca soo gaaray kasakoo u baahnaa xanaano ayaan hellin. Sabatoo ah waxaa uu aabe u yahay caruur yar yar isagana waxa uu ahaa nin dawaarsada.
Islaantiisa wayla joogtaa balse waxba uma tari karto oo isaga ayeyba awal ku tiirsaneyd runtii dhibaaatada haysata waa mid rabaani ah. Isbitaalka uu jiifo waxaa laga rabaa qarash dawada usii dheer.
Wiil yar oo la joogay waxa uu ii sheegay beri in ay ka baxayaan isbitaalka, Walaahi arintaasi aad baan ugu naxay, waxaan weydiiyay sababta markaas ayuu igu yiri “ma awoodno”. Inkastoo dhibaatada ay guud ahaan iska jirto Somalia meelaha qaar hadana oddaygan tiisa waa mid u baahan gurmad oo walaalaha Soomaaliyeed aan si gaar ah ugu codsanayo in ay gar gaar lasoo gaaraan.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment