Bulsha:- Khasaare Ba’an ayaa ka dhashay weeraro isxig-xiga oo ka dhacay caasimada Paris. Rasaas iyo qaraxyo ayaa laga maqlay laba goobood oo ku yaalla waqooyi beri caasimadda, Qarax kale waxaa laga maqlay garoonka cayaaraha ee the Stade de France.
Weerarkan waa kii ugu dhimashada badnaa ee Faransiiska ka dhacay tani iyo dagaalkii labaad ee Dunida, Tirada dhimashada ayaa la sheegayaa inay sare u sii keceyso, 200 oo qof ayaana ku dhaawacantay, 80 ka mid ah xaaladooda aad bay u liidataa, Magaalada Paris ayaa waxa ay noqotay meel ay buuxdhaafiyeen ciidan, aadna amniga waaloo adkeeyay nawaaxiga Magaalada,
Jidadka Magaalada Paris ayaa waxaa ka bilowday baaritaan iyadoo dalka oo dhan la geliyay xaalad degdeg ah, Sideed qof oo looga shakisan yahay weerarkii Baris ayaa la dilay, waxaa kaloo bilowday ugaarsiga dadkaloo laga shakisan yahay inay kooxdaasi caawinayeen, Majirto cid sheegatay weerarkaasi, laakiin waxaa farta lagu fiiqayaa xagjiriin Islaamiyiin ah.
Ugu yaraan 160 qof ayaa lagu dilay weeraro lo adeegsaday rasaas iyo qarxyo ka dhacay dhowr meelood oo caasimadda Paris ah, 100 qof oo ka mid ah dadkaasi waxa ay ay ku dhinteen goobta acwayska Bataclan.
Madaxweynaha Shiinaha ayaa sheegay inuu diyaar u yahay in Faransiiska ay kala shaqeeyaan la dagaallanka “Argagixisada” Sidoo kale Madaxweynaha Mareykanka Obama ayaa weerarkaasi ku tilmaamay ficil waxshinimo oo rayidka lagu argagixinaayo.
New York, Boston iyo magaalooyiin kaloo ku yaalla Mareykanka ayaa amnigooda aad loo adkeeyay weerarka Paris ka dib.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom

Blogger Comment
Facebook Comment