Bulsha:- Manida Ragga waxaa badiya kalluunka nooc walba ka mid ah gaar ahaan midka la dhaho salmon, iyo basasha iyo ukunta sabiibka madooban iyo sanjabiilka cagaaran iyo aananaaska iyo malabka iyo mooska iyo looska iyo caanaha geela.
Manida marka ay ka soo baxaan ninka waxaa ku waajibo qubays, ninka marka uu muddo galmo uusan samaynin inta badan riyo ayuu ku biyabbaxaa, qofka marka uusan naag qabin waxaa fiican inuu iska yareeyo cuntada si aysan ugu badanin biyaha maxaayeelay marka ay ku bataan biyaha jirka waxay keenaan fikir iyo mashquul maskaxeed ruuxa xitaa wax ma baran karo qalbigiisa marwalba wuxuu ku hayaa naag, hadduu arko gabar ma rabo inuu ka jeesto……
Dhibcaha Biyaha waxay ka samaysan yihiin burutiin aad u sareeyo marka ninka marka uu u galmoonayo xaaskiisa oo uu ku shubayo biyaha naagta waxay ka qaadanaysaa burutiin oo ka difaacaya maqaarkeeda jirka inuu dhero.
Aqoonyahanada qaarkooda way diideen inuu ninka bahalkiisa ka soo saaro xaaskiisa oo uu bannaanka ku daadiyo waxay dheheen waa inuu ka dalbo maxaayeelay marka hore raaxada ayuu ka gooynayaa midda labaadna jirkeeda ayaa u baahan,
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment