Bulsha:- Ninkaani oo u dhashay dalka Suuriya ayaa waxa uu galay qaliin khatar ah oo looga saaray Kilidiisa kadib markii uu go’aansaday in lacagta kasoo gasho kilidaasii uu ku galo Tahriib.
Ninkaani ayaa waxa uu Kilida isaga baxshay inta uu joogay dalka Lubnaan, waxaana qaliinkiisa ka hor lagu wargaliyay in 50% uu u dhimankaro amaba uu ka bogsan karo.
Iibinta kilidiisa kadib ayaa waxa uu u ruqaansaday Tahriib waxa uuna ugu danbeyntii gaaray dalka Serbia.
Ninkaani ayaa waxaa gacanta ku dhigay isagoo la luudaayo xanuunka hayo Ciidamada amaanka waxa ayna ula dhaqaaqen dhanka xarumaha Caafimaadka hayeeshee nasiib darro waxa uu wakhti danbe sheegay inuu iibsaday Kilidiisa.
Wuxuuna muddadii uu Tahriibka soo ahaa isticmaali jirey Kaniinka Xanuun jebiyaha ee Painkillers isagoona muddo 20 cisho ah uusan helin wax dawo ah.
Waxa uu hadda ku jiraa xarun caafimaad si loola tacaalo caafimaadkiisa, waxa uuna dalbanayaa in la fasaxo si uu usii wato Tahriibkiisa si uu u gaaro dalalka Yurubta kale.
Dhacdadaani ayaa waxa ay lama filaan ku noqotay muhaajiriinta kale, waxa ayna qeyb ka noqoneysaa dhacdooyinka is xigxiga ee ka dhasha Tahriibka.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom

Blogger Comment
Facebook Comment