Bulsha:- Dowlada Iran ayaa markii ugu horeysay xilka Safiir u magacowday Haweenay muddo dheer kasoo shaqeenaysay Wasaarada Arrimaha Dibada.
Marzieh Afkham oo ah 50 sano jir ayaa la sheegay in muddo 30 sano ah kasoo shaqeenaysay Wasaarada Arrimaha Dibada, isla markaana ahayd afhayeenka Wasaarada muddooyinkii lasoo dhaafay, waxaana Axadii shalay loo magacaabay Daljiraha Iran u fadhiya dalka Maleesiya.
Wasiirka Arrimaha Dibada ee Iran Maxamed Javas Sharif ayaa ku tilmaamay diblumaasiyadan qof si hufan uga soo baxda hawsheeda laguna abaalmariyey xilkan kartideeda ay muujisay.
Waa markii ugu horeysay oo dowlada Iran tan iyo kacdoonkii dalkaasi 1979kii xil sare loo magacaabo qof dumar ah, Madaxweynaha hada xilka haya Xassan Roxani ayaa horey u balan qaaday inuu xilal muhiim ah u dhiibo doono haweenka dalkaasi.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment