Bulsha:- Hadii aad doonaysid in dadka dhan Ku jeclaadaan Oo aad rabtid in lagaa daba cararo waxaan kuu haynaa Talooyin wanaagsan ee qaado:-
1-Badi dhoola cadaynta, waji furnaanta “ muusoodka
2-Ka fogow muranka iyo dood badan ba waayo waa bilowga canaadka, colaada iyo kala gu’ida
3-Ula dhaqan dadka oo dhan sida aad jeceshahay in laguula dhaqmo adiga
4-Badi salaanta Mideeda wanaagsan, waayo walaaltinimada ayey xoojisaa
5-Isbar inaad dhagaysato qofka kula hadlaya,baro habka wax loo dhagaysto inta aadan baran habka loo hadlo
6-Iska jir qalbi adayga iyo calool adaay gaba waayo waa sifooyinka doqoniimada
7-Isbar dulqaadka iyo adkaysiga waayo waa laba sifo oo Rabigeen iyo Rasuulku csw ay jecel yihiin.
8-Si run iyo daacadnimo ku jirto u amaan qofkii u qalma adigoo ka iska ilaalinayo laba wajiilanimada, soo jiidasho iyo nifaaq ba.
9-Markaad fikrad soo bandhigayso qofka dareensii inay tahay wax aad wada leedihiin oo aanad ka fariidsanaynayn kana caqli badneyn
10-Badi saamaxaad iyo cafiska waayo waa nadaafada qalbiga iyo naftaba
11-Marka aad qof waaninayso ilaali dareenkiisa oo ha ku dhihin ereyo dhaawacayo qalbigiisa iyo naftiisa toona
12-Ha badin qosolka aan haboonayn– waayo qosolka aan macnaha lahayni haybada iyo daganaanta ayuu kaa qaadayaa,
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment