Jaceyl sidan ma ula Oysay waa su’aal kuu furan fahamkeedana leedahay !

Bulsha:- Waliga Ma Dareentay Jaceyl oo Mala ilmeysay, Qalbigagana Ma Siisay Ruuxa aad Jeceshahay Adiga oo uurka Wax Ku Reeban, Ma is Tiri tani Waa Mustaqbalkaaga, makaa Kacday Jiririco oo Asaxaabtii Ku ag Joogtay Maku Dareemeen in Si Wax Kaa Yihiin. Dabadeed Ma Istaagtay oo Qol Kaliga Ma Tagtay, Asxaabtii Kula Fadhidayay Makula Yaabeen oo Mayirahdeen Maxaa Ka Qaldan Qofkani, adiga oo Shanqarta Xantaasi Dhagtaada soo gaareysa Qalbigaga Aayar Ma isu Jawaabtay oo ma Tiri:- Nafuu Jacayl Sahan Saday Alahayow Sal Fududa, Deetana Ma Sii Daba Dhigtay Qalbigaa Ku Daawada Indhuhuna Kasii Daran, adoon isla Hadalka Qalbigaga Ku dheeran Ma Tiri, Raasamaalka Guurkiyo Raaxada Aduunyada Raaliya Ninkii Helaa Raganimo Ku Faana. intaas adiga oo ay Kuu Mareysa Qolkaagii Malagaga Soo Daba Galay oo Malagu Weydiiyay su,al ah Maxaa Ku Helay ,Adoo Qarinayana Sida wax U Jiraan aayar Jawaab Fudud Ma Usiisay oo Maku Gaabsatay JACEYL BAA I HAYA. inta Lagugu Qoslay Banaanka Malagaga soo Baxay, tel Makusoo Dhacay oo Shaashada Mobile-kaaga Makaaga Muuqday Magac Saaxiibtaadi ad Xalay Xanaaqa Ku Kala Tagteen, Hello Markaad Tiri ilmo Makaa Soo Daadatay, iyadiina Markii ay Dareentay in Codkaaga Xiran Yahay oo ilma Kaa Socoto Makula Ilmeysay, Saxaafaddii sawirkan Ma Idinka Qaadeen oo Ma Yiraahdeen Jacaylkani Waa al-Cadaala oo Waaloo Sima yahay.








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment