DEG DEG: Ruushka oo qaaday Talaab ka dhan ah Turkiga

Bulsha:- Madaxweynaha Turkiga Erdogan ayaa ka digay wararka kasoo baxay dalka Ruushka oo la sheegay in lagu xiray ganacsato kasoo jeeda Turkiga.

Recep Tayyib Erdogan, Madaxweynaha Turkiga ayaa Jimcihii shalay ka jawaabay warar sheegaya in dowlada Ruushka ay xirtay qaar kamid ah ganacsatada Turkida ah ee ku nool dalka Ruushka.

Dowlada Ruushka ayaa sidoo kale sheegtay inay joojin doonto Safarka Fiiso la’aanta ah oo ay muwaadiniinta Turkida ku imaan jireen dalka Ruushka, waxaana jira hawlgalo ay ciidamada amniga gudaha ugu galeen xarumaha wadankaasi ee shirkadaha ay leeyihiin Turkida.

Xukuumada Ruushka ayaa horey ugu hanjabtay inay xayiraad dhanka dhaqaalaha iyo ganacsiga saari doonaan Turkiga, arrintan oo la xariirta xiisada diyaaradii Talaadadii lasoo dhaafay uu Turkiga kasoo riday militariga Ruushka.

“…In xad gudub loo geysto shacabkeena maaha mid aan yeelayno, waxaan oron lahaa –YAAN Ruushka DAB ciyaar ka dhiganin–..” ayuu yiri Madaxweyne Erdogan oo Jimcihii shalay saxaafada kula hadlay magaalada Bayburt ee dalkaasi Turkiga.

Turiga ayaa weli diidan inuu wax raali gelin ah ka bixiyo diyaaradii Ruushka lahaa oo ay kusoo rideen nawaaxiga xaduuda Siiriya, arrintaasi oo ay xukuumada Turkiga ku sheegtay is-difaacid.

Waxaa jira warar sheegaya in labada Madaxweyne ee Erdogan iyo Putin lagu wada hadal siin doono shirweynaha looga hadlayo Cimilada Adduunka ee dhawaan ka furmaya magaalada Paris, walow uu illaa iyo hada diidan yahay Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin inuu wax wadahadal toos ah la yeesho Erdogan.








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment