DAAWO:- Shah Rukh Khan oo u dabaaldagaya maanta Filimkiisii Jab Tak Hai Jaan

Bulsha:- Maalin Xusuus u leh Aktarka Shah Rukh Khan,maanta oo kale sanadkii 2012 waxaa u soo baxay Filimkiisa Jab Tak Hai Jaan.

Filimkan ayaa soo baxay 13-kii November maanta oo kale seddexsano kahor waxaana Shah Rukh Khan la jilayay Atariishooyinka Katrina Kaif iyo Anushka Sharma.

Waxaa uu ahaa Filimkii ugu horeeyay ay iska keenaan Kaif iyo SRK halka Anushka Sharma ay horay u la keentay markaas Shah Rukh Khan filimka Rab Ne Bana Di Jodi oo soo baxay 2008.

Sidoo kale waxaa uu filimkan kii ugu horeeyay uu sameeyo Director Yash Chopra tan iyo Filimkii Veer-zaara oo SRK uu waday.

Filimkan ayaa ahaa kii ugu dambeeyay uu Yash Chopra Director ka noqdo inta uusan dhiman October sanadki 2012 isagoo jira 80 sano.

Filimkan ayaa si fiican ku furtay maalintiisii ugu horeysay waxaana uu noqday hit” iyo “blockbuster intaba.


Hoos ka Daawo







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment