Bulsha:- Madaxweynaha Maamulka Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed oo maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa Magaalada Gaalkacyo ayaa shalay waxaa lagu wareejiyay gaadiid dagaal iyo ciidamo beeleedyo ku sugnaa Magaaladaasi.
Beel kamid ah kuwa Dega Magaalada Gaalkacyo ayaa shalay Madaxweynaha Galmudug waxa ay ku wareejiyeen maleeshiyo beeleed iyo gaadiid dagaal iyo hub , waxaana Ciidankaasi ay kamid noqon doonaa kuwa Maamulka Galmudug.
Waxgaradka Ciidanka iyo hubka ku wareejiyay Maamulka Galmudug ayaa sheegay inay ka go’an tahay la shaqaynta maamulkooda isla markaana ciidamada beeshaasi ka tirsanaa xiligaan waxii ka dambeeya ay mas’uul ka tahay maamulka Galmudug kuna wareejiyeen iyaga iyo hubkooda.
Madaxweynaha Galmudug Cabdi Kariin Xuseen Guuleed ayaa uga mahad celiyay beesha hubka iyo ciidanka ku wareejiyay, waxa uuna balan qaaday in ciidankaasi ay kamid noqon doonaan kuwa Maamulkooda ayna heli doonaan xaquuqda ay leeyihiin ciidamada kale ee Maamulka.
Maamulka Galmudug ayaan wali lahen ciidan rasmi ah marka laga reebo Maleeshiyada ku sugan inta badan deegaanada Maamulkaasi, waxaana socda qorshe maleeshiyaadkaasi looga dhigayo ciidan maamulka uu leeyahay loona furayao tababar ciidanimo.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment