Bulsha:- Kooxaha burcad badeeda Somalida, ayaa waxay gacanta ku dhigeen markab watay Calanka Wadanka Iran, ka dib markii ay ku weerareen badaha caalamiga ah. Markabkan waxaa laga soo qafaashay meelo ka fog Xeebaha Somaliya.
Burcad badeeda oo Axadii Xeebaha Puntland ka qafaashay dooni kalluumeysi oo laga lee yahay Iran, ayaa waxay Isniintii ku weerareen markabka watay Calanka Iran.
BBC, ayaa qortay in burcad badeedu a badaha caalamiga ihi ku weerartay markab kale oo laga leeyahay dalka Thailand, balse uu xoog kaga baxsaday burcad badeeda.
BBC, ayaa waxay kaloo tebisay in markabka watay Calanka Iran ay la socdeen 15 shaqaale, oo dhammaantoodu u dhashay Pakistan.
Wararka waxay intaa ku darayaan in markabka u gacan-galay burcad badeeda loola soo dhaqaaqay Xeebaha Somaliya, balse lama garanaayo halka uu fadhigoodu yahay kooxdaasi.
Maraakiibta shisheeye ee ku sugan Xeebaha Somaliya, ayaa dadaal ugu jira, sidii ay u soo furan lahaayen markabka u gacan-galay kooxaha burcad badeeda Somalida.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom

Blogger Comment
Facebook Comment