Xog: Sirdoonka Mareykanka oo telefoonka Xasan Sheekh ka dhageysta gorgortanka Mooshinka

Bulsha:- Ilo ku dhow dhow Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Somalia Xassan Sheekh Maxamuud ayaa Okesom u xaqiijiyay in Madaxweynaha uu shaki xoogan ka qabo in arrimaha Mooshinka laga dhageysto Telefoonkiisa gacanka.

Xogtu waxa ay intaa kusii dareysaa in Madaxweyne Xassan uu walaac gaar ah ka muujinaayo in Sirdoonka Mareykanka ka jooga Somalia ay Telefankiisa kala socdaan Heshiisyada dhexmaraaya isaga iyo Xildhibaanada BF Somalia ee Mooshinka ka geeyay Xassan.

Sargaal ka tirsan Xafiiska Madaxweynaha ayaa si rasmi ah Okesom ugu xaqiijiyay in Xassan Sheekh uu howlaha la xiriira Mooshinkiisa iminka ku fududeeyo warqado kadib cabsi kala soo daristay dhageysiga Telefoonkiisa awgeed.

Xiliyada qaar ayaa la soo warinayaa inuu isticmaalo Telefoono kale oo ay wataan saaxiibadiisa ku wehliya Siyaasada Villa Somalia inkastoo la sheegay in iyagaba uu badi iska ilaaliyo ku hadalkooda.

Mooshinka socda ayaa waxaa gacan weyn ka geysanaaya Wakiilada Beesha Caalamka ka jooga Magaalada Muqdisho, kuwaasi oo dhowr jeer sii horeysay lagu eedeeyay inay dhageystaan Telefoonka gacanka Madaxweynaha si ay ula socdaan Siyaasada dalka gaar ahaan macluumaadka uu ku shaqeynaayo Madaxweynaha.


Awooda Mooshinka ayaa qalqal adag galisay Madaxweyne Xassan oo aan horay ula kulmin Mooshin ceynkaani ah tan iyo markii uu qabtay Xilka Madaxtinimo ee Somalia, waana tan keentay in Xildhibaanada BF ay hub dagaal u adeegsadaan keenista Mooshinada.

Mooshinka ayaa ka dhashay Khilaaf Siyaasadeed hoose oo dhexmaray Madaxweyne Xassan iyo Xildhibaano ka tirsan BF kaasi oo bilowgiisa ahaa mid ka dhashay Wakhti kororsiga, hayeeshee markii danbe isku bedelay mid shaaca laga qaaday.

Geesta kale, Madaxweyne Xassan ayaa ilaa iyo iminka aan ku guuleysan inuu kala jabiyo Xildhibaanada Mooshinka wado sababo la xiriira faragalinta ay Beesha Caalamka ku dhexwado Mooshinka iminka yaalla Maxkamada sare ee dalka.







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment