Xog culus: Naaneysta duqa cusub ee Muqdisho

Bulsha:- oo maalmihii tagtay daba-gal ku haysay guddoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir, ahan duqa magaalada Muqdisho, ayaa soo ogaatay naaneystiisa.

Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa waxaa lagu naaneysaa “Yuusuf Boorsaani”, magacaas oo ay ugu yeereen dadka muddo fog yaqaaney. Balse Yuusuf, waxa uu iminka la baxay naaneys cusub oo ah Madaale.

Magacan ayaa waxaa uu ku dheggay mar uu sanadihii sagaashamaadkii uu la shaqeyn jiray Xaaji Muuse Suudi Yalaxow, oo uu ahaa gacanyarihiisa lacagta.

Sida dad aqoon wanaagsan u leh “Yuusuf Boorsaani” xsida aan ka soo xiganay Caasimada Online, ayaa maadaama wixii lacag ah ee loo baahdo asaga la weydiin jiray, ayaa la raaciyey magacaas oo macnihiisa dambe u dhacayo inuu ahaa boorsadii Muuse Suudi Yalaxow.








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment