XOG: Al-Shabaab oo weeraro ka fulin raba Magaalooyin ka tirsan Kenya

Bulsha:- Booliska Kenya ayaa soo saaray Digniino Cusub oo Shacabka dalkaasi uga digayo Weeraro Al shabaab ay ka geestaan Nairobi, Gobolka Waqooyiga Bari & Magaalada Xeebta ku taallo ee Mombassa.

General of Police Joseph Boinnet, oo ay Taliyaha Ciidanka Booliska Kenya ayaa sheegay in ay heleen Macluumaad Hoose kuwaasi oo muujinaya in Al shabaab ay Gudaha Somalia ku qorsheynayaan Weeraro ay Kenya ka fuliyaan, iyagoo ka faa’idaysana Roobabaka da’aya.

Mr Boinnet ayaa amar ku bixiyay in la baaro Baabuurta soo gala Kenya ee kasoo gudba Xadka Somalia iyo kuwa Gudaha Kenya isticmaala, haddii ay leeyihiin Madaxda Dowladda ama Shaqsiyaad gaar ah.

Goobaha sida aadka ah Booliska Kenya uga digayo ayaa waxaa kamid ah Magaalooyinka ku yaalla Waqooyiga Bari ee Kenya oo ku dhaw Xadka kala qeybiya Kenya & Somalia, halkaasi oo Weeraro badan oo uu kamid yahay kii Jaamacadda Gaaris ay Al shabaab ka geesteen.

Digniintan dhanka Amniga ayaa imaanaysa Maalmo kadib markii Sirdoonka Kenya uu soo badhigay Magacyada & Sawiradda Lix Ruux oo u dhasha dalka kenya kuwaasi oo Tababar inta ay ku qaateen Saldhigyada Al shabaab ee Gudaha Somalia dib ugu laabtay dalkooda si ay Weeraro uga geestaan.

Si kastaba, Taliyaha Booliska Kenya ayaa sheegay in Hay’adaha Amaanka ay samayn doonaan waxwalba si ay uga hortagaan Weerarada Al shabaab ay maleegayaan, wuxuuna shacabka ugu baaqay inay aad u feejignaadaan, sidoo kalena la shaqeeyaan Ciidanka Amaanka.








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment