Wasiir Odowaa:- Reer Hiiraan Haddii Aaysan Sharciga u Hoggaansamin, Waa loo hoggaamin doonaa!

Bulsha:- Warar aan ka helnay wasaaradda arrimaha gudaha ee dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sheegaya in uu jiro iska hor imaad u dhexeeyo wasiirka arrimaha gudaha JFS Cabdiraxman Odowaa iyo odayaasha beesha Xawaadle.

eyne Xasan Sheekh oo dhawaantan heshiis la galay Wasiirkii hore ee arrimaha Gudaha Goodax ayaa u sheegay dhammaan odayaasha iyo guddoomiyaha gobolka hiiraan Cabdifatax Afrax in uu maamulka iyo agaasinka maamul u sameynta gobolada Hiiraan iyo Shabellaha dhexe looga danbeeyo xildhibaan Goodax, isagoo markaa ku sifeeyay in Goodax oo horay uga soo shaqeeyay arrintan meel fiican aay wax u marayaan. Qofkii diido ama is hortaagana ayuu yiri, tallaabo sharci ah ayaa laga qaadayo oo aay ku muteysan doonaan xarig.

Arrintan ayaa cirka isku shareertay, waxaana guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cabdifatax uu wacad ku maray in uu meel uga soo hari doono hadalka kasoo yeeray Wasiir Odowaodowaaa. Arrintan ayaa iminka leh saan saan colaadeed oo dib uga dhalata maamul u sameynta Sh. Dhexe iyo Hiiraan.

Wasiir Odowaa oo dhawaantan Xoghaya Joogtada ah u Magacaabay Shaqsi aay keensadeen kooxda Alla Sheekh gaar ahaan Cabdiraxman Yusuf Cali Caynte, oo indho iyo dhago u ah wasiir Odowaa, ayaa hamigoodu yahay in dhaqaalana ka sameeyaan, Alla Sheekhna aay talada Sh. Dhexe & Hiiraan uu gacanta u galo.

Wararka ayaa intaa waxa aay ku darayaan in Odowaa oo hadda ku biiray ururka Alla Sheekh aay u durbaan tumanayo in aay hoggaanka labada gole uu ku guuleysto musharaxa kooxda Alla Sheekh. Kaasoo aanu xogta aan heleyno uu yahay Wasiirkii hore ee waxbarashada Dr. Cabdinuur Sh. Maxamed. Koox diimeedka Alla Sheekh ayaa aad uga feejigan in markale aay ku hungoobaan in musharaxooda looga guuleysto maamulka cusub ee Sh. Dhexe iyo Hiiraan.

Weli lama oga waxaa aay cuqaasha iyo wax garadka beesha xawaadle aay ka sameyn doonaan arrinkan. Qaar kamid ah odayaasha iyo xildhibaanada oo aay la xiriirtay Sida aan ka Soo xiganay Caasimada Online ayaa u sheegay in aanay marnaba ka yeeli doonin “Cunug Cadaado laga keenay shalay in uu ka arrimiyo arrimaha Hiiraan”








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment