Daawo “Wasiiradii Iscasilay anigaa Madaxa kaga istaagaya oo qoorta ka jibinaya” waxaa yiri..

Bulsha:- Wasiirka arimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Warsancadde, oo saxaafada kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa hanjabaad u jeediyay wasiiradii shalay iska casilay xilalkii ay hayeen.

Wasiir Warancadde, ayaa sheegay in  maamulka Somaliland uusan waxba u arkin iscasilaadii ku dhawaaqeen 9 wasiir iyo seddex wasiir ku xigeen, laakiin wuxuu hanjabaad u jeediyay dadka iscasilay.

Warancadde, ayaa sheegay in marnaba aysan aqbali doonin in wasiiradii shalay iscasilay ay sameeyaan falal lidi ku ah amniga deegaanada maamulka Somaliland, ayna ka hortagi doonaan dadka falalkaasi sameynaya.

Sidoo kale wuxu sheegay inuu yahay ruux taageersan qaranimada maamulka waqooyiga Soomaaliya ee Somaliland, uuna qoorta ka jibinayo qof walbaa oo ka hor timaada amniga deegaanada Somaliland.


Hoose ka Daawo







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment