Wariyiha iyo Agaasimihii Universal oo Xabsiga Laga sii Daayay (VIDEO)

Bulsha:- Waxaa maanta xabsiga laga sii daayay Agaasimaha Teleefishinka Universal ee Geeska Afrika, C/laahi Xersi Kulmiye iyo Wariye Cawil Daahir Salaad, iyadoo Suxuufiyiintan labadii bishan ay Ciidamada Nabad Sugidda ay ku xireen magaalada Muqdisho.

Madaxa Wararka Xafiiska Universal Ee Magaalada Muqdisho C/casiis Ibraahim Axmed (C/casiis Okey), ayaa xaqiijiyay inxabsiga laga soo sii daayay labada Suxufi ee ka tirsan taleefishinka Universal.


Maamulka Universal ayaa si diiran u soo dhaweeyay in xabsiga laga sii daayay Cawil Daahir Salaad iyo C/laahi Xersi Kulmiye, oo tan iyo Jimcihii lasoo dhaafay ku xirnaa Magaalada Muqdisho.

Tallaabada lagu sii daayay Suxufiyiintan ayaa ka dambeysay kadib markii Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari uu amray in si deg deg ahi lagu sii daayo Suxufiyiintaasi.

Xeer Ilaaliyaha Guud Qaranka Axmed Cali Daahir oo soo dhaweeyay baaqa ka soo yeeray Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa laamaha ammaanka ku amray in ay oodda ka qaadaan Suxufiyiinta.

Hay’adda Nabad Suggida ayaa maalintii Isniinta tabisay in wariyeyaasha muddo 21 maalmood ah xabsiga lagu sii hayn doono, ka dibna la horkeeni doono Maxkamad.








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment