SIR MUHIIM AH:- Wiiloow gabadha Sifooyinkaan Ku Caanbaxday Ka Fogaaw Kuuma Qalantee!!

Bulsha:- Daraasad la sameeyay ayaa waxaa lagu ogaaday In dumarka leh astaamaha aan sheegi doono aysan kuu wanaagsaneen in aad la wadaagto nolol mustaqbal ahaaneed.

Hadaba astaamaha nuucan ah hadaad ku aragto ragoow ka fogoow hana ku deg degin inaad guur ka dalbato.

1-Ragoow ka fogaada dumarka kaa war badan taasi waxa ay sababi kartaa in ay ku dhaxasho, horaa loo yirii nin kaa war badan dhaxal aabahaa ayuu kula qeybsadaa.

2-Ragoow ka fogaada dumarka warka badan oo aan celin karin sirta aad usheegato, waxaa laga yaabaaa in ay sirtaada banaanada ubixiso halkaasina ay ceeb kaa soo gaarto.

3-Ragoow ka fogaada dumarka aan cowrada dadan / aan is asturin, waxaa laga yaaba in ay saameyn ku yeelato qoyskaada markaad xidid noqotaan, Horaa abwaan Soomaliyeed u yiri ” Caariyaadka diraca marada dacalka feedan, dadka kama xigtide joog ”

4-Ragoow ka fogaada dumarka wax keenka badan / wax iibsiga badan waxaa laga yaabaa in ay jeebkaadu marwalba marnaado, adiga iyo hanti tabcashana maqrib iyo mashriq ayaad isu jirtaan hadii tani gacanta kugu dhigto.

5- Haweenka aysan diintu ka muuqan, hadii aysan allahii abuurtey adeecin, sunadii rasuulkana (scw) ku sifoobin,

waxaa suura gal ah in caruurtaadu saaqidiin noqdaan, oo ay waayaan wax tubta toosan ku bar baariya.








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment