Fariin Jaceyl : Waa Run In Jaceylka Yahay Cadaab Balse …

Bulsha:- Waa dhab in jaceylku cadaab yahay,laakin waa nolosha oo dhan markaad gacanta ku heyso qofkii ku dareensiin lahaa qiimaha ay noloshu leedahay.

Jaceylku waa dareen adigoon fileyn qalbigaaga gala mar hadii uu dhiigaaga raacana wey adagtahay si aad maankaaga uga saarto shaqsigaas waxkasto oo ay kugu qaadato.

Jaceylka dhabta ma yaqaano da’ iyo duruuf labada waa marxalad dadka oo idil ka wada siman yihiin wuxuuna ku badaa inaaka qaar waad xakameyn weydo naftaada.

Marar qaar waa muhiim inaad raacdo oo aad dhageysato dhawaaqa qalbigaaga iyo fariimaha uu kuu soo jeedinaayo waayo naxariis oo dhami waxey ka dhalataa qalbi jilcan oo dareema waxa ka dhacaaya agagaarkiisa, balse iska ilaali oo haku degdegin fariin walbo oo qalbigaaga ka timaado qaladaad badan oo aad noloshaada inta ka dhiman ka shalaaydo ayaa macquul ah inuu kugu sababo.

Dad baa laga fogeeyey dareenka naxariista islamarkaana u arka fursad in ay dhaawacaan qalbi sirmaqabe ah oo u nugullaada shabaqa loo dhigay








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment