Bulsha:- Weeraryahankii hore kooxda Manchester City haatana si amaah ah ku jooga Milan ayaa ku maadeystay Jamaahiirta Manchester United ka hor kulanka berito Old Trafford ku dhexmari doona kooxaha City Iyo United.
Wiilkaan reer talyaani ayaa soo galiyay sawiro la isku keenay oo gabi ahaan ka turjumaya kulankii ay Manchester City xasuuqday dhigeeda United ee dhacay October 2011, markaas oo Ferguson iyo wiilashiisa lagu maasheeyay 6-1.
Wiilka ku fashilmay inuu Anfield ku hormariyo kubadiisa cagta ayaa laba gool dhaliyay xiligaas wuxuuna lasoo baxay maaliyad ay ku qorneed “Why Always Me”.
David Silva iyo Sergio Aguero oo labaduba kulankaas goolal dhaliyay ayaan ciyaari doonin kulankaan.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment