Arimaha Bulshada:-Jacaylku Imisuu u Qeybsamaa- Keebaase ugu Fiican?

Bulsha:- Qormadan waxay ka hadleysaa jacaylka qeybihiisa iyo sida dadka u yaqanaanaan, iyadoo sidoo kale fasiraad guud ka bixineysa midka ugu wanaagsan noocyada kala duwan ee jacaylka dunidan aynu ku aragno.

Erayga jaceyl ee ka kooban 6-da xaraf qofba si buu usoo maraa, waxaana inta badan la qaatay qacidada oranayso (“Jacaylku waa macaan Anba waa qaraar, Qofba waa sida uu ku soo maro”) taas ayaa been ahayn waayo qof wanaagiisa ayuu dhadhamiyaa oo shaqsiga uu jeclaaday ayaa la wadaaga jacaylka Rabina haleeshiiyaa inay libin ka gaaraan.

Qofna qaraarkiisa ayaa taabta oo shaqsiga uu jeclaaday ayaa wax la qaban waaya ama qilaad yar dabadii ku kala hayaamaan heshiiskii jacayl ee u dhaxeeyay, kadibna jacaylka sidaa qaraarkiisa u dhadhamiyaa, kuwa baa markay taasi ku timaada isku duleeya, sun u caba, isdaldala ama dhibaato kale isu geysta ama ugeysta ruuxii jacaylka ku cidleyay laakiin madhacdo oo weli lama arag lamaane Jacaylkooda ku guuleystay u dabaal degaya farxadda jacaylkooda marka laga reebo xaflad aroos oo ay dhigtaan kuwa guuleystay.
Haddaba jacaylka waxa lagu fasirikaraa inuu qeybo badan leeyahay oo siyaabo kala duwan loo wajihi karo, kuwaasoo kala ah:-

 499bekele2
=Jacayl Dhab ah:- waa midka lamanayaasha wadaagaya ay sidaacadnimo ku dhisan u walwaalan, kana dhowraan wixii xumaan ah oo idil ayatiinkiisuna wuxuu noqdaa guur iyo nolol wadaag daacadnimo ku dhisa oo aan si sahal ah ku burburin.

=Jacayl ku meel gaar ah:- wa Jacaylka ka abuurma (waan ku arkay waa ku caashaqay) kaasoo damaciisu yahay kala shahwo gudasho {wada raaxeysi} hadii raaxadu ay kala helaan labadii ruux jacaylkii halkaasi ayuuku dhamaadaa, hadii xitaa uu u suurageli waayo waqti iskama sii lumiyaan oo si sahal ah ayay ku kala gembistaan.

=Jacayl danaysi:- waa jacayl ku xiran dan noocii ay doonto ha ahaatee sida dan dhaqaalo iyo wax u dhigma I.W.M.
=Jacayl xushmad:- waa Jacayl uu ku jeclaado qof xushmad iyo qadarin kaa mudan, adiguna aadan rabin qofkaas, Haddana aadan ku gacan seeri Karin kadibna aad go’aansato inaad Xushmo iyo texgelin u muujiso kadibna qofku jacayl kuu soo bandhigtay uu xumaan la’aan iskiis u quusto

=jacayl is tus tus ku dhisan:- waa jacaylka aad doonayso in qof heybad leh ama dhigaada ah aad la wadaagto adigoo asxaabtaada is tustusaaya oo wiil ama gabar isla qob weyn oo loo cal wayay aad xiriir la yeelato oo aad si faan faan iyo is tus tus ah aad ula socoto.

=jacayl guud:- waa jacaylka walaaltinimada midka waalidka ubadka, waxbar, hantida, IWM.

=Jacayl laab-la-kac:- waa jacayl usbuuc la’ah ee xiisaha ku yimaada, kuna faana qofka aniga hebel baan la socdaa, aniga heblaayaan la socdaa, aniga waa lay jecelyahay IWM Haddaba qiimaha jacaylku leeyahay ma aha wax sahlan ama cayaar cayaar ku dhisan waxaana loo baahanyahay in jacaylka la dhowro qofka kula wadaagana la xaq dhowro oo waa inaadan ku tuman xuquuqda Jacaylka iyo Midka Shaqsigaba.







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment