Madaxweyne Xasan oo maanta ka qeyb galay xuska Calanka oo Muqdisho lagu qabtay

Bulsha:- Madaxweynaha dowaladda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa maanta oo ah 12 October kaga qeyb galay magalada Muqdisho ee caasimadda dalka munaasabad lagu xusayay maalinkii la sameeyay calanka Jamhuriyada Soomaaliya. S

idoo kale munaasabada waxaa ka qeyb galay Ra’iisal Wasaaraha dowladda Soomaaliya Cumar Cabdirashiid ,gudoomiyaha Baaralmanka Soomaaliya Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari, Gudomiyaha gobolka Banaadir Xasan Maxamed Xuseen Muungaab iyo xubno matalayay labada golle ee dowladda.

Madaxda ka socotay dowladda sida madaxweynaha Ra’iisal Wasaraha ayaa khudabado ku saabsan wadniyada ka jeediyaya maasha xafladda.

Xarunta ay ka dhacday munaasabada ayaa ahayd xarunta dowladda Hoose ee Muqdisho waxaana la adkeeyay ammaanka guud ee magalada Muqdisho.

Dad da’a ah oo u joogay maalinkii calanka Soomaaliya la taagay ee uu cirka sare ka lushay ayaa munaasabda kasoo qeyb galay waxaana ay sheegeen in 61 sano kaddib ay maanta xusayaan calanka Soomaaliya xiligii la asteeyay.








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment