Bulsha:- Kooxda Daacish oo iyadu inta badan maamusha dhul balaaran oo isku xira Ciraaq iyo Syria, ayaa mar labaad ururka Al-shabaab ee Soomaaliya ka dagaalama ugu baaqday ineey kusoo biiraan.
Muuqaalo ay soo daayeen warbaahinta ku hadasha afka ururka Daacish oo loogu magac daray (Xaqa kolonyada iyo dhageysiga mujaahidka ka dagaalamaya Soomaaliya), ayaa ururka wuxuu al-shabaab ka dalbaday ineey lamidoobaan.
Mid ka mid ah dagaalyahanada ka soo muuqday muuqaladaas oo wajiga xirnaa ayaa sheegay in dhaq dhaqaaqooda kala duwan ee Caalamka ay ugu baaqayaan Al-Shabaab inay la midoobaan Khilaafada Islaamka.
Fariintan ayaa aheyd tii labaad oo Daacish u soo dirto Soomaaliya, iyadoo ka dalbaneysa Al-Shabaab inay ku soo biiraan, hase ahaatee Al-Shabaab ayaan wax jawaab ah wali ka soo saarin.
Laakiin warar soo baxayay maalmihii u dambeeyay ayaa sheegaya in Al-Shabaab dhexdooda ay ku kala aragti duwanaadeen, waxaana la sheegay in saraakiishooda sar sare ay wali ku qanacsan yihiin ka sii mid ahaanshaha ururka Al-Qaacida oo horaantii sanadkii 2012 ay la midoobeen.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment