DFS oo sheegtay in ay u digtay Universal lana maxkamadeynayo wariyeyaasha laga xeray: Sawirro

Bulsha:- Wasiiradda warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska Soomaaliya ayaa sheegtay in Wariyeyaasha Telefishinka Universal maxkamad lasoo taagi doono si sharciga loogu qaado, maadaama ay sheegeen in ay jabiyeen sharciga isla markaana wixii ay rabaan oo xad laheyn sii daayeen.

Wasiiru dowlaha Warfaafinta Maxamuud Cabdi Xasan Beekos oo shir jaraa’id ku  qabtay xarunta Wasaaradda ayaa ku eedeeyay  Agaasimihii Bariga iyo Bartamah Afrika ee TV-ga Universal C/llaahi Xersi iyo Weriye Cawil Daahir Salaad in ay dhegaha ka fureysteen digniino hore oo hay’addaha amniga u gudbiyeen, iyagoo markii danbe qabtay dood hal dhinac ah oo labo xildhibaan kusoo fariisiyeen xarunta ay Muqdisho ku leeyihiin.



wasiiru-dowlaha-warfaafinta-1“Arrimaha xariga wax baan ka ognahay, cidkasta oo dambi gasha lama cafinayo, dhowr jeer oo hore digniin ayaa la siiyay oo ciidanka amiga u digeen, wayna ka dhaga adeegeen, waxa uu u keenay inay waxa ay iyagu rabaan unbay sii daayeen, marka dood wadaag la qabanayo hal dhinac oo kaliya lagama eego oo waa in la helo sharci dhexdhexaad ah, sharciga saxaafadda idinka ayaaba iga garanaya, marka sharciga ayaa inoo furan in aan la tiigsanayaa” ayuu yiri Wasiiru-dowlaha Warfaafinta.

Dhinaca kale wuxuu jawaab ka bixiyay hadalada doodii habeenkii Khamiista ka baxay Universan oo labada Xildhibaan iyo shacabkii kasoo qeybgalay ay ku sheegeen in dalka laga xukumo xerada Xalane.

wasiiru-dowlaha-warfaafinta-2Wasiir kuxigeenka wuxuu sheegay in dalka aan laga xakumin Xalane, isla markaana aysan dowladda ku jirin wax gumeysi ah, isagoo intaa ku daray in ciidanka AMISOM ay ku joogaan dalka qorshe cad oo ah sidii ciidanka dowladda ay uga caawin lahaayeen la dagaallanka argagixisada.

Dhinaca kale Maamulka telefshinka Universal ayaa sharci daro ku tilmaamay xariga shaqaalahooda ka tirsan. Maxamed Axmed Xaaji Cagmadhige oo ah madaxa Wararka Tv-ga Universal, ayaa xariga Wariyeyaasha ku tilmaamay ficilkii ugu dambeeyay ee Dowladda Somaliya ay ku kacday, iyadoo Dowladda ay sameyn kartay wado kale.

Sababta ka dambeysay Xariga Wariyeyaasha ayaa wuxuu sheegay Cagmadhige inay tahay Barnaamij Dood Wadaag ah oo Tv-ga Universal ka baxay 30-kii Bishii dhamaatay, Barnaamijkaasi oo lagu marti qaaday Xildhibaano Dowladda Somaliya si kulul u weeraray.








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment