Bulsha:- Ma kugu adkaanayso in aad inanyahay ogaatid in ninka xariirka kaala dhaxeeyo uu yahay mid aan kuu qalmin kaliya hadaad arimahaan aragto xaalka ma wanaagsana ee indhaha kala qaad.
1:- Tix Gilin La`aan : Jaceyl aan tix gilin laheyn waa geed aan miro aan laheyn , haddii ninka aad jaceylkiisa ku dhacday uusan ixtiraam aqoon ogoow wadadii dhibaatada ayaad ku socotaa .
2:- Daryeel La`aan : Jaceyl kaliya ma aha erayo jilicsan bacaad ku qoran oo marka ugu horeysa dhib dhaco tir tirmaya , ee Jaceylka waa mid labada lamaane is bar bar taagan yihiin xiliga dhibaatada iyo xiliga Kaleba.
3:- Qorsheyn La`aan Dhanka Mustaqbalka Ah:- haddii saaxibkaada marnaba uusan kaala hadleyn arinta mustqbalka iyo wax yaabaha u qorsheysan isna munaasib kuguma aha ninkaas .
Hadaba garbaryaheey hadaad arimahan aragto ha dhayalsan oo Jaceylkaas yuusan ku qaldin Waxaana ku leedahay ninkaas kuuma qalmo ee hurdada ka kac oo waqti badan ha sugin .
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment