FA:- Ingariiska Oo Diiday Marmarsiiyada Jose Mourinho Ee ‘Aqoondaradiisa Luqadiisa Ingariiska’.

Bulsha:- Tababaraha kooxda Chelsea Jose Mourinho ayaa sheegay in madaama uusan luqada Ingariiska si wacan u aqoonin inay keentay inuu ku eedeeyo garsoorayaasha inay ka baqayaan inay kooxdiisa u dhigaan gool ku laadyo.

Mourinho ayaa hadalkaas ku muteystay in hal kulan laga mamnuuci doono garoonka oo idil haddii uu qalad kale sameeyo muddo sannad gudaheed, waxaa sidoo kale lagu ciqaabay inuu bixiyo 50 kun ginni oo ganaax ah ka dib markii xiriirka kubada cagta Ingariiska ay hadalkiisa u fasirteen inuu kala jeedo inay garsoorayaasha yihiin kuwa dhan u janjeera.

Tababaraha reer Portugal ayaa ku tilmaamay ganaaxaas mid sharafdhac ah, waxaana uu ka qaatay racfaan.

Racfaankiisa waxa uu Mourinho ku sheegay in luqadiisa Ingariiska aysan hagaagsaneyn islamarkaana waxa uu tusaale u soo qaatay shan tababarayaal kale oo sidaas oo kale u hadlay.

Waxa uu si gaar ah u farmuuqay in Arsene Wenger aan lagu ciqaabin inuu garsoore Mike Dean ku tilmaamo mid daciif ah oo ciyaalnimo u dhaqmay. Iyadoo Wenger aan sidoo kale la ciqaabin markii uu kala tuuray Mourinho xilli ciyaareedkii hore.


Laakiin gudiga dhageysiga racfaanka ayaa go’aansaday in luqada Ingariiska ee 52 jirkaan inay tahay mid aad u fiican oo aan laga aqbaleynin in luqad kala duwanaanshaha ay sabab u tahay hadalada ka soo yeeray.





xigasho:- samiiroonline

_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment