Bulsha:- Haweenka ka tirsan ciidanka Itoobiya ee qaybta ka ah hawl-galka AMISOM ayaa kulan xog-is-weydaarsi ah la yeeshay haweenka magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay.
Kulankan ayaa la sheegay in u jeeddadiisu ahayd sidii haweenka Soomaaliyeed loogu dhiirri-gelin lahaa inay kaalin muuqata ka qaataan nabadeynta Somalia iyo inay qayb ka noqdaan siyaasadda, waxaana kulanka goobjoog ka ahaa taliyaha qaybta saddexaad ee ciidamada AMISOM, Yemane Gabre Mikael, mas’uuliyiinta maamulka gobolka iyo kan degmada, waxgarad, culummom, ururrada haweenka iyo saraakiil ka tirsan ciidamada AMISOM.
Taliyaha qaybta saddexaad ee ciidamada AMSIOM, Yemane ayaa ku boorriyay haweenka Soomaaliyeed inay kaalin muuqata ka qaataan soo celinta nabadda iyo sidii ay bulshadu u noqon lahaayeen kuwo isku xiran.
Goobta ayaa waxaa hadallo ku aaddan waayo-aragnimadooda iyo sida ay uga qayb-qaateen horumarka siyaasadeed ee dalkooda kasoo jeediyay qaar ka mid ah haweenka ka tirsan ciidamada Itoobiya ee qaybta ka ah AMISOM.
Taliyaha qaybta saddexaad ee ciidamada AMISOM, Mikael ayaa isna sharraxaad ka bixiyay isbedellada haweenka Itoobiya ay ku tallaabsadeen iyo sida ay qaybta uga yihiin horumarinta dalkooda iyo ka qaybgalka siyaasadda si ay bulshadooda u hoggaamiyaan; isagoo sheegay in door wanaagsan ay ka qaateen dhammaan is-bedellada ka dhacay Itoobiya labaatameeyadii sano ee lasoo dhaafay.
Dhanka kale, ururka haweenka magaalada Baydhabo ayaa soo dhaweeyay kulanka ay isku dhaafsadeen iyaga iyo haweenka ka tirsan ciidanka Itoobiya, waayo-aragnimadooda iyo xogaha ku aaddan awood-siinta haweenka.
Ugu dambeyn, kulankan ayaa ujeedkiisu ahayd sidii haweenka Soomaaliyeed ay u dareemi lahaayeen kalsooni dheeraad ah, ayna ula imaan lahaayeen fikirro cusub oo ay uga qayb-qaadan lahaayeen nabadeynta bulshadooda
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment