Bulsha:- Al Shabaab ayaa waxa ay maanta soo bandhigeen meydadka lix ka mid ah Ciidanka Soomaaliya, ciidamadan oo ay madaxa kawada toogteen ayaa sida ay sheegeen waxa ay xalay ku dileen duleedka Degmada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud.
Muuqaalkan ayaa maanta lagu baahiyay barraha Internetka ee ku hadla afka kooxda mintidiinta ah ee Al Shabaab, iyagoo Ciidamadan ku eedeeyay inay dileen iyagoo ku guda jira fal burcadnimo ah.
Sawirrada, ayaa waxaa sidoo kale lagu arkaayay qoryihii ay wateen askartaasi iyo gaari u muuqday, mid xilligan soo galay gacanta Shabaabka hubeysan ee Soomaaliya ka dagaalamaya.
Sida lagu baahiyay barraha Shabaabka ayaa lagu sheegay in askartani ka mid ahayd ciidan dhawaan laga keenay Magaalada Baledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, ka dib markii lagu soo tababaray.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment