Bulsha:- Munaasabad Balaaran oo ay soo qaban qaabisay Safaarada Turkiga ee Muqdisho islamarkaana lagu xusyayay 92-guuradii ka soo wareegtay xuriyadii Turkiga ayaa shalay Muqdisho lagu qabtay.
Masuuliyiintii ka qeybgashay munaasabadda waxaa ka mid ahaa Ku simaha Madaxweynaha ahna Gudoomiyaha Baarlamanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, R/wasaaraha Xukumadda Cumar Cabdi rashiid Sharmaake Wasiirro,Xildhibaanno iyo xubno ka socday Beesha oo intuba ay Hambalyo u direen Xafladda xuska 92-guuradii ka soo wareegtay madaxbanaanida dalka Turkiga.
Danjiraha dowladda Turkiga u fadhiya Muqdisho Olgen Bakar oo munaasabadda ka hadlay ayaa soo dhaweeyay mas’uuliyiinta dowladda ee ka qeybgashay munaasabadda, isagoo xusay in dowladda Turkigu ay garab taagantahay dowladda Soomaaliya balanqaadayna sii wadida taageerida dadka soomaaliyeed.
Ku simaha madaxweynaha ahna afhayeenka Baarlamanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo soo gabagabeeyay Munaasabadda ayaa dowladda iyo shacabka Turkiga ugu hambalyeeyay Maalinta Xuriyada dalkaas.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment