Daawo:- Shil ka dhacay dalka Faransiiska oo ay ku dhinteen 42 ruux oo howlgab ahaa

Bulsha:- Ugu yaraan 42 qof, oo u badan dad howlgab ah ayaa la rumeysan yahay inay ku geeriyoodeen shil baabuur oo ka dhacay meel u dhow magaalada Bordeaux, taasi oo lagu qeexay shilkii waddo ee ugu xumaa ee dalka France ka dhaca muddo ka badan 30 sano.

Saraakiisha ayaa sheegay in gaari xamuul uu ku dhacay bas ay rakaab ka buuxaan meel u dhow waddada Puisseguin, taasi oo sababtay in labada baabuurba ay holcaan.

Sideed qof oo kaliya ayaa lagu warramay inay ka baxsadeen holaca, ayada oo tobaneeyo saraakiisha xaaladaha deg degga ah ay goobta gaareen.

Madaxweyne Francois Hollande oo ka hadlay shilka xilli uu safar ku joogo dalka Greece ayaa sheegay in dowladda ay diyaar u tahay inay la tacaasho musiibadan aadka u xun.

Shilkan ayaa la rumeysan yahay inuu yahay kii ugu xumaa ee ka dhaca France tan iyo sanaddii 1982-kii markaasi oo shil bas oo ka dhacay bariga dalka France ay ku geeriyoodeen 53 qof oo 44 ka mid ah ay ahaayeen carruur.











_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment