Bulsha:- Qof kastaa waxa uu jecel yahay ama rajaynayaa in uu nolosha la qaybsado qof uu aamini karo, isla markaana waa in aan ku qiimeeynaa wanaagyada maldahan ee dabeecadda wanaagsan. Maxaa yeelay, dabeecada ayaa ah midda sida saxda ah u go’aamineysa sida uu qofku naftiisa iskula macaamili doono, adiga uu kugula macaamili doono, carruurtiinana hadhow ula macaamili doono.
Sidoo kale wanaagyada maldahan ee dabeecadda ayaa ah aasaaska xirriir kasta oo uu dadku wadaago, waxaana jira wanaagyo lagu qiimeeyo qofka aad nolosha la wadaageysid.
Hadaba qofka aad aaminayso ee aad nolosha la qaybsanayso ha noqdo mid laga helo shantan qodob kuwaasoo aan ku soo koobeyno halkan hoose:
1. Daacadnnimo iyo run-sheegid
Waa waxyaabaha ugu muhiimsan ee keena xirriir caafimaad qaba. Haddii aad ogaato qofka nolosha aad la wadaageysid in uu yahay runlow, taasi waxa ay ku siineysaa dareen weyn oo deganaan ah. Dhinaca kale hadddii aad ogaato in lamaanahaaga uu been kuu sheego waxaa ku soo wajahaysa nolol kacsan, shaki badan iyo carro badan, sababtoo ah haddii aan runta la isku sheegin kala shakin ayaa imanaya, taasoo carqalad ku keeni karta lamaanayaasha, isla markaana burburin karta kalsoonidoodii iyo is aamminaaddoodii.
2. Daareen deeqsinimo
Xirrirka caafimaadka qabta ee ka dhexeeya lamaanaha kuma saleysna in la wadaago aqalka iyo sariirta oo kaliya ee waxay uu ku saleysan yahay in la wadaago dareennada, taas micnaheedu waxay tahay xabiibkaaga in aad u muujiso jacelka aad u qabto inta uu la egyahay, isla markaana aad u sheegto sida uu kuu qiimeeyo adiga. Waana in labada dhinacba had iyo jeer la isku muujiyaa dareen iyo is qiimeyn dhalanteed ka fog.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment