Bulsha:- Waxaa mudada uu xilka hayo Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud sarakac ku imaaday tirada Haweenka kamidka ah Baarlamaanka Somalia kuwaasi oo hadda tirro ahaan lagu qiyaaso ilaa 35 xubnood.
Dowlada Madaxweyne Xassan ayaa kaalin mug leh dumarka Soomaaliyeed ka siisay Baarlamaanka Somalia ee hadda jira waxaana xusid mudan inay kaalimaha hore kaga jiraan abuurista Mooshinada iyo xalintiisa.
Xildhibaanada dumarka ah ee ku jira Baarlamaanka ayaa la aaminsan yahay inay ugu badan yihiin Baarlamaanka hada shaqeeya marka loo eego Baarlamaanadii hore.
Haweenkaani kamidka ah Baarlamaanka ayaa intooda badan heysta dhalasho kale, waxa ayna badankooda joogista Somalia ka doorbidaan inay safaro dibadda ah u kala gooshan, inkastoo ay jiraan kuwo aanba dalka ka bixin amaba aan heysan Baasabooro kale.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment