DAAWO SAWIRADA Al-bashiir oo qasriga Khartoum kula kulmay wiilkii Injineerka ahaa ee dhawaan loo xiray Saacad uu sameeyay

Bulsha:- Madaxweyne Omar Hassan Albashiir waxa uu dhawaan Qasriga Madaxtooyadda ee magaalladda Khartoum ku qaabilay Ahmed Mohamed Al-hassan oo ah Wiilkii Ardayga ee lagu xiray Maraykanka, kadib, markii uu sameeyey Saacad.

Ardaygaas oo dhigan jirey Dugsiga Sare ee MacArthur High School oo ku yaalla Deegaanka Irving ee dalka Maraykanka ayaa waxay Ciiddanka Ammaanka Maraykanka xireen, kadib, markii laga shakiyey Saacad uu farsameeyey, oo loo qaatay inuu Bam ahaa.

Wargeyska Sudan Tribune ayaa qoray in Kulanka Madaxweyne Albashiir iyo Ardaygaas ay goobjoog ka ahaayeen Hooyadiisa iyo Aabihiisa, Mohamed Alhassan Mohamed, kaasi oo labo jeer Xilka Madaxtinimadda kula tartamay Madaxwyne Albashiir.

Labada Hoggaamiye oo horey u ahaa Mucaarad ayaa waxay si farxad leh isugu qaabileen muddadii ay joogeen Qasriga Madaxtooyadda ee magaalladda Khartoum.



Aabe Mohamed Alhssan waxa uu sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu Madaxweyne Albashiir si xushmad leh u qaabilo Wiilkiisa Ahmed.

Si kastaba ha ahaatee, Familka Wiilkaasi ayaa sheegay inay ka fekerayaan Dugsiga uu ku biiri doono Wiilkooda marka uu nasto, isla markaana ay soo gebagebeeyaan safarkooda.








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment