Daawo:-: Nin Oromo ah oo Islii ku dilay Gabar Soomaaliyeed oo Jecyl kala dhaxeeyay asina is-dilay

Bulsha:- Ninkaan Oromada ah oo 27 jir ah, ayaa dilay Gabar Soomaaliyeed oo uu xiriir ka dhaxeeyay, kadibna asiga ayaa Sun cabay oo is-dilay.

Dilkaan ayaa xalay ka dhacay Xaafada Soomaalida ku badantahay ee (Islii), waxaana ninka Oromada ah uu dilka Gabadha Soomaaliyeed u adeegsaday Tooreey.

Falkaan dilka ah oo dhacay abaaro 11-kii Xalay, ayaa ka dhacay agagaarka wadada Juja ee xaafada Islii,  waxaana wararku ay intaas ku darayaan in Gabadha la dilay oo magaceeda lagu sheegay Saado ay u dhimatay dhow Tooreey oo uu ku dhuftay ninkaas oo markii dambe isaguna isku dilay Sun uu cabay.

Goob joogayaal ka ag’dhawaa halka uu falkaas ka dhacay oo Saaka la hadlay Warfaafiye, ayaa sheegay xalay inta uusan dilkaas dhicin ka hor in Marxuumada la dilay ay ka soo baxday gurigooda oo halkaas ku yaallo, isla markaasna ay dhaweysay gabar ay saaxiibo ahaayeen balse markii ay damacday iney dib ugu noqoto gurigooda uu ninkaas wadada u galay.

Saado iyo Cabdi Maalik
Saado iyo Cabdi Maalik

Wararka qaar ayaa sheegaayo in ninka dilka geystay oo magaciisa lagu sheegay Cabdimaalik, uu markii hore gabadhaas u soo bandhigay jaceyl, uuna u sheegay inuu guur ka rabo. Balse ay ka diiday; taasina ay sababtay inuu dilo.

Goob-joogayaal ayaa Warfaafiye u xaqiijiyay in marar kala duwan toorey gabadhan lagu dhuftay oo dadka deegaanku ay damceen inay ula cararaan goob caafimaad, laakin geeriyootay ka hor inta aanan Isbitaalka la geynin.

Goob joogayaasha oo codsaday in aanan magacooda la shaacinin, ayaa noo sheegay in Marxuumadaas ay la nooleyd Qoyskooda oo halkaas dagan halkaas wiilka dilayna la sheegay in uu daganaa meel anaan ka fogeyn xaafadooda.

Dhanka kale, ciidamada Booliska Kenya oo isla xalay tagay goobta uu falkaas ka dhacay, ayaa qaadeen Meydka ninkii is dilay si ay baaritaano ugu sameeyaan sababta dilalkaan, halka Marxuumadii la dilayna maanta lagu wado in lagu xabaalo qabuuro ku yaallo magaalada Nairobi.








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment