Bulsha:- Kooxda Argagixisada caalamiga ah ee ISIS ayaa la ogaaday in ay adeeegsadaan Baasaboorka Somalia oo kooxaha ku biiraya ay ku safraan. arintan ayaa soo shaac baxday kadib markii Afar gabdhood oo labo ay yihiin mataano, una dhashay dalka Sudan ay ugu baxeen Baasaboorka Somalia garoonka Khartoum.
Arrintan ayaa waxaa si weyn ugu faalooday warbaahinta dalka Sudan gabadhahaasi adeegsaday Baasaboorka Somalia iyo sida ay u heleen, iyagoo ku tegay dalka Turkiga oo ay ugu sii gudbeen dalka Syria.
waa-gabdho-isis-sudanesLaakiin qoraal kasoo baxay Safaaradda Somalia ee Sudan ayaa lagu beeniyay arintaasi, Safiirka Somalia ee Sudan Maxamed Cabdullaahi ayaa been abuur ku tilmaamay in gabdho u dhashay Sudan ay ku safreen Baasaboorka Somalia isagoo iska fogeeyay in Baasabooradaasi laga soo saaray Safaaradda uu madaxda ka yahay ee Khartoum.
Safiirka wuxuu tilmaamay in Baasaboorka Somalia inuu ka mid yahay kuwa ugu adag adduunka ee aan si khaldan loo adeegsan karin, iyadoo la og yahay in qofkii doona uu si fudud ku sameyn karo isagoo bixinaya khidmo yar.
Dowladda Sudan ayaa mudooyinkii u danbeeyay maareyn weysay qulqulka dhalinyarada ku biiraya kooxda xagjirka ah ee ISIS, iyadoo caruur ay dhaleen xubno ka tirsan Dowladda Sudan ay ku biireen IS.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment