Bulsha:- Nawaal Magaceygu waa Nawaal waxaana ku noolahey magaalada Mombasa dhawaan ayaa waxaa dhaawac gashey walaasheey markii ayadoo ka oo daadageysa jaran jarada boloogaan daganeyn ay dhacdey misana ay jabtey.
Kadib waxaa dhacdey in aan geyno isbitaal intii aanu ku jirney howshii geynta isbitaal ayaa waxaa dhacdey in aan in cabaar ah weyno gaari noo qaada gabadha walaashey ah hasse ahaate waxaa nagu soo baxey deriskii aanu wada daganeyd dhismaha waxaana ka mid ahaa wiil akhyaar ahaa kaas oo gaari noo wacey kadib nala geeyey isbitaalkii.
Haddiiba waxaa la geliyey qeybtii raajada waxaana lagu sheegey jab kadib waxaa loo gudbiyey qeybta kabka intaas dhan wiilkii wuu nala joogey waxaana ku gaarney saq dhexe, ALXAMDULILAH walaashey kabkeedii waa lagu guuleystey, wiilkii ayaa casho noo keeney oo ka soo iibiyey maqaaxi noo dhaweyd, aniga wiilkii ayaa cabaar isu keliyowney hasse ahaatee xishood dartii juuq waa oran waayey.
Habeenkiina waxaan seexaney isbitaalkii tiiyoo ay nala joogaan qaar qaraabada ah, si kastaba wiilkii naga tagin ilaa maalintii qoraxda ay soo dilaacdey si dhab, hasse ahaatee walaashey ayaa soo naaxdey waxaana meeshii joogney maalmo kale wiilkiina wuu noo imaan jirey isaga mar walba noo keeni jirey cunno iyo wax yaabo.
Kadib waxaan ku laabaney gurigeeni walaasheyna waxey bilowdey in ay socodka tijaabiso, walaashey ayaa maalin willki ku casuuntey hoygeena waxaana u sameyney qado sharaf walaashey ayaana bilowdey in ay u mahad celiso wiilkii waxey kaloo u sheegtey in ay u celineyso qarashkiii uu gaariga ku soo kireeyey iyo dadaalkiisana ay u abaal gudeyso laakiin wiilkii ayaa diidey isaga oo sheegey in abaalka uu yahey mid la isku leeyahey, waxba yaanan hadalka kugu daalininee waxaa arkey anoo xishood dartii markaan arko wiilka socodka iga lumaayo waxaana dareemey dhab ahaan in aan jaceyl u qaadey wiilka mana lihi awood aan kula hadlo.
Waxaana dareemayaa mar kasta xiis aan u qabo aragiisa, walaashey uma sheegin asagana sidoo kale, aniga iyo walaashey waxaan ku joognaa halkaan arimo buufis ah siiba waalshey oo ninkeeda oo maqan usoo doodayo anna waxaan aheyn weli mid rajo kale oo buufis ah ku jiro wax ayaan bartaa oo ardey ayaan ahey, haddaba Bahad web-ka maxaan sameeyaa? ma haayo wadno aan wiilka kula hadlo!
Bahda Xayaati.com
Horta hore Nawaal waxaan kuugu hambalyeynaa sida aad noola soo xiriirtay, waxaa kaloo ku faraxsanahey geesinimada aan qormadaan usoo qortey, waxaana ku leenahey waligaa ahaaw mid dhiiran xishood kana haka tagin hadaan gunta taabano Jaceylka sidiisaba ma ahan mid leh kalar iyo kala sareyn mana laga gaaro guul ilaa aad bandhig ku sameyso.
Waxaana loo baahan yahey in si asluubeysan loo sheego, mid ogoow ruuxa aad dooneyso in aad wax u sheegatey waa kii shaley adi walaashaa garab idin siiyey waxaana uu leeyahey garaadkii uu shaley idin ku caawiyey maantana waxaa macquul ah in uu ka aqbalo jaceylkaaga waayo waa ruux ay ku weyn tahey bini’aadamnimada, marka adoon cid kale kala tashan sida walaashaa waxaan ku leenahey u tag wiil una sheeg jaceylkaaga, haddii aan ka xishooto hor tagiisa fadlan raadi telefoonkiisa gacanta uguna gudbi faraiin ahaan.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment