MUUQAAL: Madaxwaynaha Zimbabwe oo caalamka uga yaabsaday Shirkii QM “ANAGU KHANIISIIN MA NIHIN (Daawo)

Bulsha:- Madaxweynaha Dalka Zimbabwe, Robert Mugabe ayaa khudbad uu ka jeediyay shirka guud ee Qaramada Midoobay ku Weeraray Wadamada Reer Galbeedka, isagoo sheegay in waddankiisu uusan marnaba aqbali doonin qorshaha ay Wadaan Reer Galbeedka ee ah in Raggu isku Galmoodaan, isagoo yiri. “Innagu Khaniisiin ma nihin.”

Khudbaddiisa ayuu inteeda badan kaga hadlay hannaanka Xuquuqda Aadanaha ee ay Reer Galbeedku dabada ka riixayaan, taasoo uu sheegay inay galmoodka dadka isku jinsiga ah qayb ka tahay “Waxaan kasoo horjeednaa qorshaha cusub ee kasoo horjeeda Caadooyinka iyo Dhaqanka aan leennahay, taasoo ah in ragga qaarkood laga dhigto naago oo kale,” ayuu si kulul u yiri Guddoomiyaha Sanadkan ee Ururka Midowga Afrika, Robert Mugabe.

Mugabe oo 91-jir ah ayaa intaas ku daray inay Waddankiisa Mamnuuc ka tahay in Raggu ay isku galmoodaan, isagoo horay u sheegay in ragga isku galmooda ay cadaabta galayaan. Isgaoo raaciyay in kuwa isku galmooda ay ka liitaan doofaarka, riyaha iyo shimbiraha.

HALKAN DAAWO MUUQAAL MADAXWAYNAHA OO SI ADAG U HADLAY


Sannadkii hore waxaa bogagga hore ee Wargeysyada caalamka ay ciwaanno uga Dhigteen Hadal uu yiri Robert Mugabe oo ahaa; in xuquuqda dadka isku Jinsiga ah ee isku galmooda aanay qayb ka ahayn Xuquuqda Aadanaha. Wuxuuna Xusay in Carruurta Dalka Zimbabwe aan laga dhaadhicin karin wax ka duwan Guurka uu ALLE jideeyay.







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment