Mid ka mid ah iskoolada Finland oo gabdhaha dhigta ku wargeliyay in ay is asturaan sababo la xiriira qoxooti “baahan” oo dalka soo galay

Bulsha:- Mid ka mid ah jaraa`idda kasoo baxda dalka Finland oo lagu magacaabo “Savon Sanomat” ayaa qoray in skool ka mid ah iskoolada Finland uu ardaydiisa gabdhaha ah ku wargeliyay in ay is asturaan maadaama qoxooti muslimiin ah ay dalka soo galeen.

Iskoolkan oo ah mid lagu xaroodo islamarkaana lagu magacaabo Pohjois-Savon, ayaa diiwaangeliyay in wiilasha qoxootiga ah ee iskuulkaasi yimaada ama dhigta ay ku “jahwareersan” yihiin jirka gabdhaha dharka khafiifka ah wata islamarkaana ay ku mashquulaan.

Ma uusan amrin iskuulku in gabdhuhu khasab isu asturaan, balse uu ku guubaabinayo si loo yareeyo mashquulka lagu mashquulayo jirkooda.

Dhallinyarada qoxootiga ah ee ka yimaada dalalka Islaamka ee Yurub gala ayaanan u baran in ay arkaan dumar “qaawan”, taas oo dhalisa in ay si aad ah ugu mashquulaan jirkooda.







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment