Daawo Booliska Soomaaliya oo ku howlgala Eeyaha u tababaran baarista miinooyinka iyo hubka

Bulsha:- Taliska booliska Somalia ayaa dhawaan lagu wareejiyay Eeyaha u tababaran urinta walxaha qarxa iyo hubka, kuwaasoo loogu talagalay in ay howlgalada baarista loo adeegsado.

Sidon kale Eeyahaan ayaa tababar u qaba in ay ka howlgalaan garoonka diyaaraddaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Eeyahaan ayaa waxaa taliska booliska Soomaaliyeed ugu deeqay booliska AMISOM, waxaana lagu soo tababaray dalka Ugandha, iyadoo sidoo kale tababar loo siiyay askar ka tirsan booliska Somalia, kuwaasoo wajiyada qarsaday marka ay howlgalada ku fulinayaan.

Dhaqan ahaan Soomaalida ma jecla Eeyaha, waxaana dhowr jeer oo hore dhacday in kooxo Wariyeyaal ah oo howlo shaqo u tegay xarumaha AMISOM ay ka caroodeen Eeyo la yiri waxay baarayaan ama urinayaan qalabka aad wadadiin, balse ay diideen, in baarista qalabkooda loo adeegsado eeyo maadaama dhareer eeyaha naga xaaraan-timeysan yahay.












_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment