Bulsha:- Maxkamad Tehran ku taal, ayaa laba haween ah ku xukuntay $260 dollar, kadib markii ay ku xad-gudbeen sharci Iran u yaala oo dhigaaya in haweenaydu aanay xijaab la’aan dibada ugu bixin, gaar ahaan meelaha darriiqyada ah sida laga soo xigtay xubno garsoorka ah.
“Dhawaanahan waxa maxkamadda la keenay kiisas dhawr ah oo ku saabsan dumar sharciga xijaabka ku xad-gudbay. Labadan waa kamid ah, waxaana lagu soo eedeeyey dambigaas, xukunkooduna waa in ay bixiyaan 9 milyan oo lacagta Iran ee Riyalka ah *$260/232 Euros) oo kaash ah,” ayuu yidhi Arman oo ah sarkaal garsoorka ka tirsan.
Haweenkaa Iran, xataa kuwa ajenebiga ah ee ku sugan waxa qasab ku ah in ay xijaabtaa, jidhkoodana astuur, balse wixii ka dambeeyey 1990 waxa is beddelaayey hab labiska haweenka Iran, inkastoo boolisku ay qadaan olole ay ku xidhayaan haweenay kasta oo aan asturnayn.
“Haddii haweenku ay kaxeeyaan baabuurka, iyagoo aan xijaabnayn amma xijaabkaba iska bixiyaan, gaadhiga waa lala wareegaya sida sharcigu dhigaayo,” ayuu yidhi Jeneral Taymour Hosseini oo ah Taliyaha Ciidanka Nabadgelyada Waddooyinka Tehran.
Sidoo kale, waxa dalka Iran ka mabnuuc ah xafladaha ay dhigtaan ragga iyo dumarka kala ajenebiga ah amma aan isu xalaasha ahayn in ay kulmaan amma aan is qabin sida sharciga dalkaas dhigaayo.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom

Blogger Comment
Facebook Comment