La yaab: qoys Ugandes ah oo la siiyay meydka askari aan ahayn wiilkooda oo 7-aadki hore lagu dilay Jannaale.

Bulsha:- Wargeysyada kasoo baxa dalka Uganda ayaa saakay daabacay arin la yaab leh oo ku saabsan in qoys Ugandes ah oo Kampala degan la siiyay meydka Askari aan wiilkooda ahayn, kaasoo Dowlada ay sheegtay inuu kamid ahaa askartii todobaad kahor lagu laayay deegaanka Jannaale ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

James Odoki, oo kamid ahaa ehelada Emmanuel Wanyama, ayaa shaaca ka qaaday inaaneey doowlada Uganda siinin meydka Wanyama, balse ay siiyeen meydka askari kale.

“Wanyama waa nin laba- lafood ah, wuxuu kaloo nabaro ku lahaa Gacmaha oo uu Boorash kaga gubtay xiligii dhalinyaronimadiisa, laakiin markii aan furnay naxashka waxaan xaqiiqsanay in meydka uu ahaa meyd aad u gaaban mana ka muuqato calaamado muujinaya inuu yahay Wanyama” ayuu yiri James Odoki.

Odoki ayaa sheegay ineey arintaan ku jahwareereen islamarkaasina aysan garaneyn tallaabadii ay ku dhaqaaqi lahaayeen, waxa uu intaasi ku daray afadi askarigaasi iyo Hooyadiis ineey raaceen meydka oo dib loogu celiyay Xerada Bombo.

Dowlada Uganda ayaa u muuqata mid aan xaqiiqda ka sheegin askarta kaga dhimatay weerarkii Jannaale, iyadoona sheegtay in 12 askari kaliya kaga dhinteen, balse warbaahinta Caalamiga ah ayaa daabacday in askar gaareysa 100 ay ku dhinteen weerarkii Jannaale.








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment