Haweenayda Ugu Maalqabeensan Dumarka Caalamka Oo Is Koris Ahayd

Bulsha:- Zhou Qunfei oo ah 39 u dhalatay dalka China, waa gabadha ugu maalqabeensan dumarka dunida, waxa ay leedahay shirkadda caanka ah ee Lens Technology oo samaysa muraayadda talefannada casriga ah, kombiyuutarrada iyo saacadaha, daaraha ay ku leedahay magaalada Hong Kong waxaa lagu qiyaasaa illaa 27 Milyan oo doolarka Maraykanka.

Zhou waxa ay leedahay diyaarad u gaar ah oo ay ugu kala safarto goobaha shaqadu kaga xidhan tahay, sida Kuuriyada Koonfureed oo ay u tagto safaro shaqo, si ay ula socoto hawlaha ay halkaas ka wadaan agaasimayaasheeda fulinta ee shirkadda SAMSUNG la shaqeeya si ay shaashadaha ugu rakibaan iyo sidoo kale dalka Maraykanka oo ay ka joogaan masuuliyiin iyaguna la shaqeeya shirkadda kala ee Apple.

Labadan shirkadood ayaa muraayadda taabashada ku shaqaysa iyo guud ahaan shaashadaha ay u isticmaalaan aaladaha ay soo saaraan waxaa u samaysa shirkadda Zhou Gunfei oo ay macmiil u yihiin. 

Zhou Qunfei waa gabadh aad loo ixtiraamo oo xitaa madaxweynaha dalka China uu ka aqbalay casuumad ay ugu samaysay xarunteeda shaqada, waqtigeeda ugu badanna waxa ay ku qaadata shaqooyinkeeda kala duwan, gaar ahaan hawlaha shirkadda Lens macaamiisheeda ugu waaweyni yihiin SAMSUNG iyo Apple iyo mashaariic dhisme oo ay ka waddo China.

Arrinta xiisaha leh ee lagu sheegay warbaahinta, ma,aha in gabadhani ay mashruuc ay iyadu lahayd fikirka ganacsigeedan aadka u weyn iyo fiditaankiisa iyo suuqgeyntiisaba, balse waxa weeye sida aanay markii hore cidi uga filayn in ay hawshan qaban doonto ama kuba fikiri karto. Waxa ay ahayd iskoris shaqaale hoosaad, muruq-maala ka ahayd mid ka mid ah warshadaha dalka China, markii ay muddo dheer ka shaqaynaysay ayaa ay go’aansatay in ay iyadu furto shirkad ay leedahay, arrinta yaabka lihi waxa weeye in marka ay go’aankan gaadhaysay lacagta ay haysatay ay ahayd 3 kun oo doolar oo keliya, laakiin dhiirrasho la timid iyo dad ehelkeeda ah oo ay ku qancisay in ay fikirkeedan kula shuraakoobaan oo weliba iyada ay fursad u siiyaan in ay maamusho si ay uga midho dhaliso ayaa ay ku gaadhay heerka ay hadda taagan tahay.







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment