Bulsha:- Qarax weyn, ayaa goor dhow ka dhacay Bartamaha Magaalada Kismaayo Ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose, iyadoo dhinaca kalana uu qaraxu sababay khasaaro dhimasho iyo dhaawacba leh.
Qaraxan, ayaa ka dhacay Maqaaxida Barni Hooyo oo ku dhegan Xarunta Caymiska Kismaayo, waxaana lala beegsaday askar ka tirsan Ciidanka Maamulka Jubbaland iyo dad shacab ah oo fadhiyay.
Qaraxa ka dib waxaa halkaasi laga maqlay rasaas ay dhowr jiho u furayn Ciidanka Jubbaland, inkastoo aanay jirin cid la sheegay inay waxyeelo ka soo gaartay rasaastaasi.
Illaa iyo hadda waxaa la ogyahay qaraxaasi inay ku dhimatay saddex ruux oo middi uu askari ahaa, halka ay ku dhaawacantay illaa 10 qof oo kale, oo u badan askarta Jubbaland.
Suxufiyiinta Magaalada Kismaayo, ayaa soo sheegaya in lagu kala cararay maqaaxidii uu qaraxu ka dhacay, isla-markaana uu qaraxu ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso ee meelaha fog fog laga haggo.
Ciidanka Jubbaland, ayaa xiray wadooyinka soo gala Xarunta Caymiska, waxaana socda hawlo loogu gurmanayo dadkii ku dhintay iyo kuwii kale ee ku dhaawacmay qaraxaasi.
Kismaayo waxaa ku soo badanaya qaraxyada ay gaysanayan xubnaha ka tirsan Ururka Al Shabaab. Soddonkii maalmood ee ugu dambeysay waxaa Kismaayo ka dhacay illaa saddex qarax, oo siyaabooyin kala gedisan loogu beegsaday Ciidanka Jubbaland.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment